NNEWSLIVE
HomeWorldMadaxweyne Xasan Sheekh oo beeniyay eedeymaha sheegaya in Muqdisho laga abaabulayo qalalaase ka dhan ah Puntland
World

Madaxweyne Xasan Sheekh oo beeniyay eedeymaha sheegaya in Muqdisho laga abaabulayo qalalaase ka dhan ah Puntland

Somalia's President Hassan Sheikh denies plotting against Puntland, calls for dialogue to resolve differences between federal government and Puntland administration

E
Editorial Team
July 3, 2026
1 min read
Jimco, Luulyo 3, 2026 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan jirin wax xiriir ama wada-shaqeyn ah oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, isaga oo eedeymaha sheegaya in dowladda dhexe ay ka abaabulayso qalalaase Puntland ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad lahayn. Khudbad ka uu jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho, ayuu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in wasaaradaha dowladda federaalka iyo kuwa Puntland aysan wada shaqeyn, isla markaana xiriirka labada dhinac uu gebi ahaanba hakad ku jiro. “Waxba kama jiraan eedeymaha sheegaya in Muqdisho laga abaabulayo fitno laga hurinayo Puntland,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale beeniyay eedeymaha ah in dowladda federaalka ay ciidamo ama maleeshiyaad ka abaabulayso Muqdisho si ay uga hawlgalaan Puntland. Wuxuu sheegay in askarta laga qoray deegaannada Puntland ay muddo bilo ah ka tirsanaayeen ciidamada dowladda, mushaharna ay si joogto ah u qaadanayeen, isaga oo xusay in aysan ku lug yeelan falal amni-darro ama qalalaase. Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay hoggaanka Puntland in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal, isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay wadahadal kasta oo lagu xallinayo kala aragti duwanaanshaha jira. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay maamulka Puntland inuu hor istaagay hirgelinta qaar ka mid ah barnaamijyada dowladda federaalka, oo ay ku jiraan qorshe lagu tababarayay laguna qorayay boqolaal macallin oo laga shaqaaleysiin lahaa dugsiyada gobolka, isaga oo sheegay in barnaamijyadaas laga hirgeliyay dowlad-goboleedyada kale balse Puntland ay diiday. Hadallada Xasan Sheekh ayaa imaanaya iyadoo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa dowladda federaalka iyo Puntland ay sii xoogeysaneyso, kadib khudbad uu toddobaadkan jeediyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo ku eedeeyay dowladda federaalka faragelin iyo tallaabooyin uu sheegay inay wiiqayaan nidaamka federaalka.

Comments

Sign in to join the conversation

Sign In

No comments yet. Be the first to share your thoughts!

E
Written by

Editorial Team

Staff writer covering breaking news, features, and long-form analysis for NewsLive. Tracking the stories that matter most.

Stay in the loop

Get the best stories
delivered weekly

Join thousands of readers who get our top stories in their inbox every week. No spam, unsubscribe any time.