NNEWSLIVE
HomeWorldTaageerada Imaaraadka ee Somaliland oo sababtay inuu xumaado xiriirkeeda Muqdisho.
World

Taageerada Imaaraadka ee Somaliland oo sababtay inuu xumaado xiriirkeeda Muqdisho.

Dowladda Federaalka Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka... 6 October, 2026 Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa she

E
Editorial Team
October 6, 2026
1 min read
Dowladda Federaalka Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka... 6 October, 2026 Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu xumaaday kadib markii Abu Dhabi ay taageertay qorshaha nooni goosiga ee Somaliland, isagoo ku eedeeyay dowladda Imaaraadku inay dabada ka riixayo aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Somaliland. Wareysi uu siiyay Al Jazeera, ayuu Madaxweynaha Somalia ku sheegay in Imaaraadku muddo dheer ahaa saaxiib muhiim u ah Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga iyo siyaasadda balse uu markii dambe xiriir dhow la yeeshay Somaliland, inkastoo uu caddeeyey inaan la goyn xiriirka diblumaasiyadeed ayna shaqeeyaan safaaradaha labada dal. “Waxay la safteen, ma ahan dowladda federaalka, balse gaar ahaan Somaliland, Waxay yihiin qodobka ugu weyn ee Somaliland ku dhiirrigelinaya inay Soomaaliya ka go’do, mana garanayo sababta ay sidaas u sameynayaan”, Ayuu yiri Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud. Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi uu si weyn u xumaaday, xilii bishii Jannaayo ee sanadkaan 2026 ay xukuumadda Somalia ku dhawaaqday inay laashay dhammaan heshiisyadii ay horay ula gashay Imaaraadka ee ku saabsanaa horumarinta dekedaha, amniga iyo difaaca, laguna amray inay joojiyaan shaqooyinka ay ka wadaan qaar kamid ah maamullada dalka. Imaaraadka ayaa muddo dheer dano ganacsi iyo amni ku lahaa Geeska Afrika, waxaana shirkadda DP World ay heshiis muddo-dheer ah kula jirtaa Somaliland oo ku saabsan dekedda Berbera iyo Puntland oo ay gacanta ku hayso dekedda Magaalada Boosaaso, waxaa kale oo Dubai ay taageertaa kumanaan katirsan ciidanka Puntland. Related Posts

Comments

Sign in to join the conversation

Sign In

No comments yet. Be the first to share your thoughts!

E
Written by

Editorial Team

Staff writer covering breaking news, features, and long-form analysis for NewsLive. Tracking the stories that matter most.

Stay in the loop

Get the best stories
delivered weekly

Join thousands of readers who get our top stories in their inbox every week. No spam, unsubscribe any time.